Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

qolka jaceylka ee mogadisho.8k.com
Home Page | About Page | sawirka | heeso | jaceyl | nagala soo xarir
heeso an kala go lahaan ku soo dhawoow

                                 www.dukoow.8m.net

Ifka aan u jeclaa
Aramadii jaceylka
Ku abuuray nafteyda
Agteydana joogtee
Afka aan u furi waayey
Alla maxaan ka yeelaa
Ma illoobi karayoo
Mana oran karaayo
Adigaan ku jecelahay
Uur ku taallaan qabaa
Oo kaligey iska ooyaa
Asaagey ka harayoo
Anfaciina ka go'ay
Allahayow arrinkan
Adigaa fududeyn kara
Waa galab casir gaabad ah, qorraxduna baasha sii dhiganeysay cirifka bari ee magaalada Muqdisho oo ay kuhareereysay tahay baddu waxaa cirka daboolay daruur roobaad oo aheyd billowgii xilliga guga, waxaa la dareemay neecaw caraf badan, nafta noole kastana raali gelineysa, waa xilli ku wacan in shaqi walba naftiisa ugu raaxeeyo, waa waqti qof kasta gocanayo qofka naftiisu jeceshahay, waxaana dadka u nasiib badan qofkii farxaddaas la wadaaga lamaanihiisa jaceylka, galabtaas qiimaha iyo xusuusta qaayaha leh huwan, Sahal iyo Saafi waxay si farxad leh ugu sheekeysanayeen jardiin ka mid ah jardiinooyinka quruxda badan ee ku yaallay Hotel Jubba, galabtaas lama soo koobi kareyn farxadda ka muuqata Sahal iyo Saafi, dhamaan jardiinooyinka ayaa ahaa kuwo camiran, waxay aheyd sida sanad guuro loo dhigayey lamaanayaal jaceyl, dhallinyaro labo labo iskula socota oo kaliya ayaa camirtay hoteelka balse Sahal iyo Saafi ayaa noqday horyaalka dhallintaas iyagoo kaga horrmaray dhan kasta sida labbiska, quruxda, hannaanka hadalka, deggenaanta. Dhalinta meesha isugu timid ayaa qaar ka mid ahi ka maseyrayeen sahal iyo Saafi halka qaar kalena ay aad ugu farxayeen, qofna shaki ugama jirin galabkaas in Sahal iyo Saafi ay yihiin lamaanayaal jaceyl, balse xaalku ma aheyn sida loo arkayey, Sahal iyo Saafi waa labo shaqsi oo deris ah, kuna wada koray labo guri oo isku dheggan, waa labo isku jadwal ah oo aan sinaba u kala bixin, balse wuxuuna qof walba la il darnaa jaceyl uu u hayo qofka kale. Waa socotaa
W/Q: Max'ed Ibraahim Max'ed (Gacanka)
MAXAA XIRIIR AH OO KA DHEXEEYA SUUGAANTA IYO JACEYLKA?
Jaceylka marka laga faaloonayo inta badan xeel dheerayaashu waxay adeegsadaan erayo macaan oo ka turjuma waxtarka dhibaatada iyo is beddellada jaceylka, waxaana lagu muransaneyn in abwaannada caalamka yihiin kuwa ugu dhow qeexidda jaeyka iyagoo u adeegsada suugaanta iyo hal abuuro kookooban, isla markaana akhristuhu ama dhageystuhu madaxa uu lulo, marka dhagahiisa ay ku soo dhacaan abwaannadeena Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala geddisan uga hadlay jaceylka, inta badan dadka jaceylka ka dhexeeya waxa ay hal heys ka dhigtaan heesaha jaceylka ee ka soo maaxda abwaannada somaaliyeed halka ay ka isticmaali lahaayeen weero ay iyagu sameysteen, waayo hdib dhib kasta ama dheef kasta uu jaceylku sababo horay ayaa abwaan ugu cabbiray suugaantiisa oo waxaa tusaale kuu noqon kara marka adiga akhristaha ah aad is weydiiso waxa uu yahay jaceyl, miyeysan kugu soo dhaceynin erayadii abwaanka Soomaaliyeed ee ahaa: (Waa macaan ama waa qaraar kolba waa sida uu kugu soo maree) haddiise jawaabtaadu sidaa noqoto sow ma rumeysneyd in abwaanku haleelay waxa ugu fudud ee lagu tilmaami karo jaceyl.
Dhanka kale haddii jawaabta aad ka shakisid isla markaasna nafsaddaadu diido inay abwaanka ku mowqif noqoto miyeysan misna jawaabtaadu noqoneynin erayadii kale ee abwaan soomaaliyeed yiri (Cishqigu ma dab baa, ma daruur da'daa, ma daad ku qaadoo, badda kugu daraa), taasi oo muujineysa in jawaab rasmi ah aadan u haynin su'aashii aheyd waxa uu jaceyl yahay, haddii aadan illowsaneyn erayadii kale ee oraneysay (jaceyl waa dhibaatoo waa dhimbil daboo, ku dhegaaya halistee), si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa jira xiriirro toos ah oo ka dhexeeya jaceylka iyo suugaanta taasi oo aad ka dheehan karto hor dhaca qormadeenaan, sidoo kale waxaa jira xiriirro aan toos aheyn oo ka dhexeeya suugaanta iyo jaceylka sida hal ku dhegyada dadweynaha caadiga ah u adeegsadaan jaceylka oo macnaheedu tahay erayo qofku iska adeegsada marka uu ka warbixinayo saameynta iyo sifaha jaceylka. Waa socotaa W/D: c/qani axmed abtidoon (alkhaliiji)

AFLAANTA HINDIGA DHIBAATO INTEE LE EG AYEY KU HEYSAA CARUURTA SOOMAALIYEED?
Caruurta Soomaaliyeed ayaa ah kuwo ugu badan ee daawada aflaanta Hindiga iyadoo loogu aaneynayo inay sabab u yihiin aflaantaas oo loo beddelo ama loo fasiro Af Soomaali, caruurtaas ayaan iyagu marna ka faaruqin shineemooyinka, mararka qaarna aanba xusuusaneyn cunno iyo cabid midnaba, iskaba daa xag waxbarashee, taasi waxaa sii dheer in caruurtaasu marka ay waayaan kunka shineemada ay ku kacaan falal aad u fool xun oo ay ka mid yihiin iyagoo isku daya inay jeeb siibaan dadka, qaar kalena waxay fal xatooyo kula kacaan waalidiintooda, halka qaar kalena ay isticmaalaan hab aad uga duwan kuwaas oo ah inay dawarsadaan dadka iyagoo u sheegaya inay u gaajoon yihiin haddii uu kunka u gacan galana la aada shineemooyinka.
Dhibaatadan iyo dhaqan xumadan soo wajahday caruurta Soomaaliyeed ayaan oran karnaa waxaa sabab u ah waalidiintooda oo mararka qaar ku taageera ficilka ay ku dhaqmayaan, siiyana lacagta shineemada, haddaba waxaa la dhihi kara waalidiinta Soomaaliyeed waxay hareer mareen amarka Alle iyo ku dhaqanka diinta Islaamka, waayo waajibka ka saaran waalidka xagga caruurta uu dhalay ayaa ah in inta ay yar-yar yihiin baro dhaqanka toosan haddaba waalidiinta ay caruurtoodu ku dhaqmaan arrintaas fosoha xun waa inay wax ka qabtaan si caruurtoodu u anfacdo mustaqbalka dambe.
W/D: C/laahi Macallin (Biyoole)
FANKA IYO SUUGAANTA
Bogeenan fanka iyo suugaanta maanta waxaan ku soo qaadaneynaa taariikh nololeedkii Max'ed Axmed Jaamac (jaangow yare). Max'ed AXmed jaamac (jaangow) waxa uu ku dhashay magaalada jig-jiga ee gobolka soomaalidu degto ee dalka Itoobiya sanadkii 1972-dii, wuxuuna waxbarashadiisa ku qaatay dugsiga hoose dhexe ee Xamar jadiid, waxbarashada dugsiga sarena waxa uu ku dhameystay dalka jabuuti.
Jaangow yaraantiisii wuxuu aad u jeclaa fanka, isagoo inta badan ag fadhin jiray adeerkiis Daahiye Axmed iyo Gandaal oo ah rag aad loogu yaqaano fanka iyo allifidda suugaanta. Jaangow wuxuu waqti kasta isku taxluujin jiray inuu noqdo abwaan ama fannaan, Jaangow markii ugu horreysay ayaa waxa u suurto gashay inuu sameeyo hees isaga uu leeyahay oo la yiraahdo (Sagal) oo uu ku luuqeeyo Ilyaas Max'ed Aadan (Ilkacase) sanadkii 1999-kii, laxankana uu saaray Siidow Qaasim Yuusuf, miraheeduna ay ka mid ahaayeen:
Subaxdoo aroortii
Cirkoo seymo roobiyo
Saadaal barwaaqiyo
Ku asteen caad badan
Saxan saxan udgoonoo
La sugaayey reys wacan
Waxaan taas la dhinac dhigay
Suuraddeeda quruxda leh
Qaanso roob la moodaa
Naftu samirba diidee
*********************
Ma sun baan laqsiiyaa
Mise sidii Ayuub baan
Samir Eebe qaataa
Mise waan socdaayoo
Soonaha ay ku nooshahaan
Sagaal geed u guuraa
Sedku inuu I siiyaan
Saadirkey awoodaaye
Bal aan sugo ayaamaha
Naftu samirba diidaye
Jaangow ayaa heestaasi allifay kaddib markii uu dhaliilay gabar uu aad u jeclaa oo xiriirna uu kala dhexeeyey muddo, Jaangow intaas kuma eka suugaantiisa waxaa kaloo jira hees la yiraahdo (Ruux ku aaminay) mirahana waxaa lahaa C/karin Sandheere oo u sameeyey saaxiibkiis Jaangow kaddib markii uu uga sheekeeyey sida uu u dhaliilay gabadhii uu jeclaa, waxaana ku luuqeeyey jaangow. Waa socotaa
W/W: Max'ed Ibraahim Max'ed (Gacanka)

MA OGTAHAY
Ma ogtahay qofkii ugu horreeyey ee duba daango uu aha Alexandaro Dulqarneyn?
Mise ogtahay in caasimadda ugu faca weyn caalamka tahay magaalada Dimishiq?
Ma ogtahay akhristow in ninkii keenay midabka calanka soomaaliyeed uu ahaa Maxeed Cawaale Iimaan?
Ma ogtahay saaxiibtinimadiisa qofkii aysan wax tareyn cadownimadiisana inaysan waxba kaa dhibeyn?
Ma ogtahay in cilmiga kan ugu fiican uu yahay kan lagu camal falo?
MURTIDA WARGEYSKA
Ogow qofka walaakiis inuu ka caroodo seddax casho wax ka badan inay xaaraan tahay
Ogow inay wax walba sabab leeyihiin, jaceylka sababtiisuna ay tahay haddiyadda oo ah wax isa siin.
HAL XIRAALE
Waxaad sheegtaa ninkii ugu horeeeyey ee sameeyey Raadiyo?
SIDEE BAAD KU KASBAN LAHEYD QALBIGA RUUXA AAD JECESHAHAY?
Ugu horreynba kalsoonidu waa shey qaali ah, waana lama huraan inaad kalsooni ka dhex abuurto xiriirka aad leedahay si uu u noqdo mid mira dhala, lagana gaaro ujeedadii loo aas-aasay iyo hanqal taaggii nololeedba.
Bal haddaba kasbashada aad ku hamineyso qalbiga ruuxa aad jeceshahay ma yara mana aha mid maqaal kaliya lagu soo koobi karo balse waxaan isku dayeynaa inaan wax ka niraahno.
Waxaad ku kasban kartaa qalbiga ruuxa aad jeceshahay siyaabo badan oo ay kamid tahay dabeecad wanaagga, eray macaanida, haddiyado kala duwan oo qofka raali geliya, ballamada oo laga soo dhalaalo iyo wixii la hal maala ee intaas soo raaca.
Aan is weydiinee qaab caynkee ah ayaa lagu soo jiidan karaa qalbiga ruuxa aad jeceshahay!?!
Waxa ugu fiican soo jiidashada la adeegto dabeecad wanaagga iyo hadal macaanida iyadoo tan haddiyaduna tahay waddo gaaban oo lagu hantiyi karo qalbiga ruuxa aad jeceshahay, waxayna kalsoonidu ku jirtaa inaad isticmaasho dabeecad wanaagsan oo aad la ula timaaddo shaqsiga aad hanan rabto, dabeecadduna ma ahan mid aad iska yeel-yeeleysid, taasoo markii aad hanatid ka gadaal keeni karta inaad isku dhacdaan qofkii aad qalbigiisa sida dhayalka ah aad ku gashay, waana inaad had iyo goor afkaaga ka ilaalisaa waxyaabaha xumaatada keeni kara, isla markaasna aad ku deeqdaa erayo macaan ammaanba ha u badnaadeene, daacadna aad u ahaato mar walba ruuxa aad jeceshahay, sidoo kale aad run kula dhaqantaa misana oofisaa ballamada aad dhigataan iyo inaad had iyo jeer ku soo booqatid haddiyado kala jaad ah isla markaasna aad u hibeyso wanaag iyo waano la xiriirta wada socodkiina adigoo u maraya waddada mustaqbalka, mar walbana u gudbisid ujeedadaada si uu wada tashi halkaas uga yimaado.
W/D: C/qani Axmed Abtidoon (abdifatah)dukoow@hotmail.com
Tell no:0097150-3989103 dubai-U.A.E
Geereero
Hal abuurka caashaqa
Hadii aan ka bilaabo
Ma huraanku ma ahan
Howl in aad la wadaagto
Qaniyaal howl wadeenaa
Waalaga aboonyahoo
Waxaa hodan noqon kara
Halyeey aad la wadaagto
Caro caashaq macaanoo
Naftu ay hamineeyso
Hadii aan yar tilmaamo
Eybada iyo wanaagiyo
Cizo waxaan hanan kara
Ubad hoodo dheero
U halgama mar kastaba
Nafta tuu I ibeeyay
Hoy in uu la galoo
Hurdo dheer la wadaago
Aniguna hadeer taan
Hambalyaan u dirayaaa
walaal waa gacaliyahaaga/gacalisadaada dhabta ah oo ku leh mar ka hore……
sidee tahay walaal
saakay ma nabadbaa
saadaasu waa sidee
caafimaadsan ma heeysaa
Aniguna samaan baan
saakadaan ku soo kacay
sadriga iyo laabtiyo
seedaha iyo feerahaa
ku salaamayo walaal
ee saami iiga gudoon
hadii aan ka sii gudbo
ha sahashan caashaqa
ha I seejin nolosha
ha I sagsaagin walaal
sidee tahay nafteeyda
kuuma sifeeyn karaayo
sababtuna waxay tahay
sunta caashaqa leeyahaan
sanadahaan la liitaa
in kastoon sadkeeyga
marna aanan seegeyn
hadana waan salalaa
ee ma ila simantahay
from:your love
codsi
to:my.
iga gudoon marka hore salaan la isu diro tan ugu qiimo iyo qaayo badanoo kaaga soo go,day qalbi furan , niyad faraxsan iyo naf kuu ooman inttaa kadib:
beerka iyo wadnaha iyo
bogaad iiga taala
waan bukaa ayaamahan
waxaan baadi goobaa
bidhaantaada wacan iyo
aragaaga bilicda leh
baa hideeydu waxeey tahay
inaad iga bad baadiso
boholyoowgaan I heeystiyo
baahida aan kuu qabo
hadaadan I bad baadinin
boodhari baan la daris noqon
a I badin dibaatee
bar barkeeyga I maaw
oo iga bogsii dhibaatadan
gacaliso /gacaliye waxaan kaa rajeeynayaa inaad ila fahanto codsigeeyga oo aad wax igala qabato xaaladan Qatarta ah oo aan ku sugnahay aniga
from:naf jaceeyl la ildaran
calaacal
ku: naflihii aan noolaha oo dahan u jeclahay
maxaa dhacay walaal
ma miirkaa lagaa maray
ma iloowday wanagii
ma daayacday jaceeylkii
aan muudsanay macaankiisa
maxaad ubaxii jaceeylkee
mudada dheer dhisnaay
uga digtay mudankiisa
mid aan salba laheeyn
maalmaha aduunyadu
ninba markiisa waayay
manta hadaad xumeeysay
macna mala walaal
moow lahaase ka weeyn
aniguse mar keeyga
kaa aarsan mayo
markaad soo rajuucdo
mar xabaan ku leeyahay
gacaliye/gacalis hadii aad I xumeeysay waxba kama qabo ilaaheey ayaan talo saartay lakiinse ogoow inaaan ku jeclahay waqti kasta oo aanan marnaba ku hilmaami doonin.
From :naf aanan kaa maarmin adiga
Daadsi
To:qof aan damiir laheeyn
Waa wareey dadweeynoow
Waagii soo guduutaba
Waxbaa soo ifbaxaaya
Wacdaraha aduunyada
Waxaad iila timid
Waan ku jeclahay
Waali waa la arkaa
Waanse lala yaabin
War hadii aad qarweeyso
Waa kuu kaligaa
Hadiise aad waalan taay
Wadaadada quraankee
Wacdiga iyo wanaaga
Wadadooda hayaan
Kuu war galinayaa
Hadaa war kale wadana
Mudan kaagu waxa uu yahaan
Ku waafajinayaa ogow
Waana ga digniinee
Warkale ha ii celin!!!!
Hadii aad wanaag rabto ha iila imaan irimahaas qafiifka ah waayo waa arin aan ku habooneeyn dhigaha qofka damiirka le hadana ka soo baxa maskax ama af qof aan damiir laheeyn
From:qof aan dan kaa laeeyn
Calaacal

..Quruxdaba dhamaanteed
Qofkii loo dhameeyee
Eebbe qiimo siiyee
Qab weeyni bilaabaa
Qiimo isu yeelaa
Aayadaa quraankiyo
Qiyaamaha hilmaamaa
Qowlkii eebbe sheegee
Qofbaa ku waano qaato
Qiimo looma yeeloo
Dulka lagama qaadoo
Qalbiga kii aan ku haayay
Niyadeyda qaadee
U qashuucay kaligii
Quudareeyay waa hore
Inaan quud la wadaago
Iska daa qiimeeyn ee
Qas iyo wareerbuu
Qalbigeeyga ku beeray
Naf jaceeyl qaribayna
Kuleey quusan meeysee
Waa inaan dulqaataa
Qaadirkeey talo saartaa

Geeraarkan soo socdana waxaa uu qoraagu uga hadlayaa markii aad rabtid in aad u qorto warqad qof aad rabin in aad xumeeyso isla markaasna aad rabin in waad wax ka aqbaso waxa uuna ku bilaabay
To:qof aan aad u qiimeeyo
Ma ahan jaceeylku wax ku cusub dunida mana ahan wax lala yaabo waana shay qaali ah waxaana u maleeynayaa dadkuwaxaa u nasiib badan qofkii la jeclaado inkastoo ay sidaas tahay arinkaad iga soo codsatay waa arin wanaagsan balse aan anigu wax ka qabin Karin waayo?waxaan I heeysta mashquul aad u weeyn mana awoodo inaan faraha la galo arimo jaceeyl ma ahan inaad qalad iga
Fahanto mana ahan inaan ku xumeeyo balse wa cudur daar uu igu qasbay culeeys I heeysta sidaas daraadeed waxaan si xushmad iyo qadarin leh kaaga codsanayaa inaad iga raali aaato:
Xumaan kuuma quuroo
Tag kuma oran karo
Kalmadaan ku leeyaay
Kibir adigoon u aragoo
Kalsoonidaas fahmaayo
Ku qanci naftaada
Koleey waa aduunyee
Mahadsanid
From:naf aad kuu qadariso adiga
AMAAn
Ifka intaan ku noolaa
Indhaheeygu may qaban
Asluubta iyo xishoodkiyo
Itaal qurux damaan
Inan loo dhameeyo
Eebe hibo u siiyay
Erayada maansadee
Amaanta iyo tilmaamaha
Afka aan ku heeyn jiray
Isku aadin waayay
Uurkeeygaad ku baahdoo
Indhaaad ku maran tee
Eegmo kuma dhameen karo
Iftiinkii qoraxdiyo
Dayax afar iyo tobnaad
Adigaa ka nuur badan
Arwaaxii nafteeydaay
Iftiinkii nolosheeydaay
Aayahii mustaqbalka
Ifka intaan ku noolaay
Kaa ooli mayo
Markastana agtaadaan
Ahaye ogsoonow!!!!!!!


 

Email:
juba hotel halkan riix

Website:
halkan riix